
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Madaxweynaha Somaliya oo lakulmay Boqorka Sacuudiga |
|
|
| Written by puna |
| Wednesday, 23 September 2009 00:31 |
|
Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Boqorka dalka Sucuudi Careebiya Boqor Cabdalla Binu C/casiis ahna U adeegaha Labada Xaram ee barakeysan, waxa ayna ka wada hadleen xaaladaha Siyaasadeed, Xiriir iyo Amaan ee dalka Soomaaliya. Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa usheegay Boqorka Sucuudiga in ay xaalad xun ka jirto dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay mid amaan daro, mid dhaqaale xumo iyo Bini’aadantinimo oo dhamaantood salka ku haya amaan la’aanta dalka Soomaaliya. Shariif wuxuu sheegay in ay dawladdiisu dagaal adag kula jirto kooxo uu ku sifeeyey kuwa ka been sheegaya Diinta Islaamka, isla markaasna ay doonayaan in ay ka qaadaan talaabo kasta oo sare loogu qaadayo nabadgalyada Soomaaliya. Boqorka Sucuudiga Boqor Cabdalla Binu C/casiis ayaa sheegay in ay dawladda Sucuudigu ay dooneyso in ay qeyb wanaagsan ka qaadato dadaalada nabdeed ee dalka Soomaaliya, isla markaasna ay hada taageerayso dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Boqor Cabdalla wuxuu ugu yeeray Madaxda dawladda Soomaaliya in ay aad uga tashadaan Aayaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay soo dhaweeyeen la hadalka dhinacyada ka soo horjeeda, oo uu sheegay in ay aad uga fakarayaan xaaladaha dalka. Boqorka Sucuudigu wuxuu sidoo kale sheegay in ay Malaayiin Dolar udiraan Soomaaliya, kuwaas oo loo maamulay siyaabo kala gedisan oo uu ku sheegay kuwa aan loo maamulin sidii loogu talagalay. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






