top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Madaxweyne Shariif oo kahadlay golaha amaanka dhaliilna saaray wadamada qaarkood
Madaxweyne Shariif oo kahadlay golaha amaanka dhaliilna saaray wadamada qaarkood Print E-mail
User Rating: / 5
PoorBest 
Written by puna   
Thursday, 24 September 2009 11:03
Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay xalay saqdii dhexe xarunta Qaramada Midowbay oo uu ka socdo Shirka Madaxweynayaasha Aduunka ay iskugu yimaadaan, ayaa ka hadlay xaalado badan oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana Amaanka, Siyaasada iyo dagaalada socda.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sheegay amaanka Soomaaliya, mid aan wanaagsaneyn wuxuuna cadeeyey in ay Soomaaliya ku sugan tahay xaalad uu ku sheegay mid qatar ah, hadii aan wax qabad deg deg ah laga sameyn, isagoo sheegay in ay Kooxaha ka soo horjeeda hanaanka Siyaasadeed ee dawladdiisu ay bilaabeen dagaal adag iyo qaraxyo waa weyn.

Shariif wuxuu ka hor cadeeyey Madaxdaasi in ay dawladdiisu aad uga xun tahay qaraxyadii dhawaan lugu qaaday ciidamada AMISOM, wuxuuna ugu baaqay Dalalka Caalamka in ay Soomaaliya geeyaan ciidan caalami ah oo la dagaalama, dadka ugu yeeray Unugyo ka tirsan Al- Qaacida iyo Kooxo la leh buu yiri Xiriiro hoosadyo xoog leh oo aan qarsooneyn.

Madaxweyne Shariif wuxuu ku sheegay dalalka Caalamka in ay ka gaabiyeen wax uqabashada iyo taageerida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey in dhismaheedii ay Beesha Caalamku balan qaadeen lacago badan iyo taageero Siyaasadeed, balse meesha ay ka baxday taasoo ku sheegay mid uusan ka fileyn dalalka Caalamka.

Wuxuu ugu baaqay dalalka Reer Galbeedka in ay taageeraan oo kaliya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay joojiyaan Siyaasadooda ku aadan taageerida qaar ka mid ah mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dawaladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale Qaramada Midowbay ugu baaqay Ansixinta qorshe ciidan loogu dirayo dalka aanu nabadu ka jirin ee Soomaaliya.

Shariif ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegay xili inta badan Soomaaliya ay heystaan Xoogaga Hubeysan, isla markaasna ay kala soo horjeedaan dagaal adag oo ay ku doonayaan in ay afka ciida ugu daraan dawladda Soomaaliya, waxa ayna sidoo kale dhawaan kooxahaasi muujiyeen awoodooda markii ay gudaha Saldhigyada AMISOM ka fuliyeen weeraro qaraxyo ah.

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS