top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Ciidamasa Amison oo Hub iyo sahay lala soo gaaray & Kismaayo oo xaalad adag laga sheegayo
Ciidamasa Amison oo Hub iyo sahay lala soo gaaray & Kismaayo oo xaalad adag laga sheegayo Print E-mail
User Rating: / 16
PoorBest 
Written by puna   
Tuesday, 29 September 2009 17:09

Si caadi ah dekeda weyn ee Muqdisho waxaa uga soo xirta Maraakiibta sahayda dagaal uwada ciidamada Midowga Africa ee jooga gudaha dalka Soomaaliya, waxa ayna ciidamadaasi ilaalo xoog leh ka hayaan Xarumaha dekeda, Garoonka iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ah sadexda meelood ee uu sida tooska ah uga jiro hanaanka Maamulka ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Markab weyn oo sahay hubeed uwada ciidamada Midowga Africa ayaa labo maalin ka hor gaaray duleedka dekeda Muqdisho, waxaana shalay galab uu soo galay gudaha Dekeda caasumada, waxaana xalay iyo manta ku socda dajinta markabkaas, oo laga soo raray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Rarka saaran markabkan ayaa lugu sheegay rasaas iyo Sahayo Milateri oo kale, kuwaas oo dhamaantood loogu talagalay sare uqaadida howlaha Midowga Africa ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Saraakiisha DF ayaa ka gaabsaday ka hadlida qorshahan iyo Markabkan, waxaase Shaqaale ka tirsanaa dekeda oo aan manta xaadirin shaqadooda ay usheegeen puna. in ay jiraan hub ladajinayo.

Siyaasiin badan ayaa aaminsan in uusan waxba ku soo kordhineyn hub cusub oo la geeyo gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Koonfureed oo ay ka jiraan xiisado dagaal, waxa ayna qabaan in la gaaray waqtigii wada hadalo lala furi lahaa mucaaradyada hubeysan ee diidan hanaanka Siyaasadeed iyo Maamul ee dawladda KMG ah.

AU ayaa markii ay dhaceen qaraxyadii lugu weeraray ciidamadooda ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna bilaabaan in ay aad usoo hubeeyeen ciidamada AMISOM, waxaana aan la garan Karin talaabooyinka ay qaadayaan ciidamadaasi, oo aan ka bixin fariisimahooda caasumada Soomaaliya, hadana kaba cabsanaya dagaalada Mucaaradyada iyo qaraxyada qorsheysan.

Kismaayo:Xaaladah magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa cakiran, waxaana ilaa shalay Saxaafada aduunka laga maqlayay Hanjabaadaha ay isdhaafsanayaan dhinacyada magaaladaasi, hada ku baratamaya, ayagoo qolo walba ay dooneyso in ay gacanta ku heyso magaalada Kismaayo.

Hadal hayeen uhadlay Kooxda Raaskambooni ayaa wax laga xumaado, ku sheegay hadal ka soo baxay Kooxda Al- Shabaab, oo ugu hanjabay dhinacooda in ay magaalada ka saaraan ciidamada ay soo galiyeen, balse taasi ayaa noqotey mid ay aad uga caroodeen Xoogaga ka soo horjeeda Al- Shabaab.

Afhayeenkan ka tirsan Kooxda Raaskambooni oo sheegay in uu joogo magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan magaalada Kismaayo, isla markaasna ay doonayaan in ay maamulaan hanaanka Maamul ee magaalada, isagoo ka dayriyey in ay xaaladu noqon karto mid nabadgalyo lugu dhameeyo.

" Waxaan arkaynaa Hanjabaadaha ka imaanaya Kooxda Al- Shabaab, waxa ay dooneysaa in ay weerar iyo dagaal ka ridaan gudaha magaalada, oo ay barakiciyaan dadka rayidka ah, taasna waxa ay ila tahay wixii ka yimaada waxaa qaadaya dadka dagaalka udurbaan tumaya" Ayuu yiri hadal hayeenkan oo magaciisa ugu sheegay puna. Axmed Yuusuf Ismaaciil.

Axmed wuxuu sidoo kale sheegay in ay Al- Shabaab horay uga baxeen, balan la galay bishii ogosto ee sannadkii 2008-dii, oo ahayd in la qeybsado hanaanka Maamulka ee magaalada Kismaayo, balse ay taasi ka biyo diideen waqtigan Madaxda Al- Shabaab oo uu sheegay in ay isla doonayaan kheyraadka magaalada Kismaayo.

Xarig jiidka magaalada Kismaayo waqtigan ka taagan, kama marna dhinaca Beelaha oo ayana uu ku jiro hanqal taaga xoog leh oo ay ku qabaan, in ay taageeraan Hogaamiyaasha iyo Maleeshiyaadka magaalada ka soo jeeda, taasoo ay doonayaan in ay taageeraan Xarakada Kooxda Raaskambooni.

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS