
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Raysal wasare C.Sharmarke oo diiday xilka laga qaaday iyo caalamka oo ku wareeray DKMG ee shariifka |
|
|
| Written by Alp |
| Tuesday, 18 May 2010 20:35 |
|
Ra'iisul Wasaaraha lagu muransanyahay xilkiisa Ra'iisul wasaarenimo Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta isugu yeeray wasiiradii xukuumadiisa wuxuuna kala hadlay Sharci ahaanshaha hadalkii Shalay uu Madaxweynuhu warbaahinta ka sheegey oo uu kukala diray golaha xukuumadiisii,Kulankan oo saacado badan socday kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra'iisul Wasaare Dr,Cumar Cabdirashiid Cali wuxuuna sheegey in uusan waxba kajirin hadalkan uu madaxweynuhu shala jeediyey. "Een Maanta waxaan yacni isugu wacay Wasiiradii Dawlada Dhamaantoodna shirka waa ay yimaadeen,waxaanu kawada hadlay jiritaanka warkii madaxweynaha kaso yeeray,Madaxweynaha anoo aad u xurmaynaya waan ka soo horjeesaday codsigii uu isoo jeediyey ee ahaa in aan xilka Ra'iisul Wasaarenimo iska casilo isla markaasna laka diro xukuumada"Ayuu yiri Dr,Cumar. Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegey in aysan dastuur ahayn kala dirista uu madaxweynuhu ku dhawaaqay,wuxuuna sheegey in uu xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaasna la'isku afgaran waayey kulankaas oo saacado badan socday,waxaana uu meesha ka saaray inuu marna ka tanaasulo xikiiisa isagoo taas ku macneeyey inuu qaranka u shaqaynayo isla markaasna sii wadi doono shaqadiisa Ra'isul Wasaare nimo. "Waxaan ku celcelinayaa in go'aankii shalay ee Madaxweynuhu uusan sharciga waafaqsanayn,xalay madaxweynaha waanu is aragnay saacado badan ayaanuna wada joognay,waxaana u sheegey in uu hadalkiisuna khaldanaa anna aan ahay Ra'iisul Wasaare Sharci ah,marka hada Wasiirada waxaan u sheegey inay sharci yihiin isla markaasna sii wadaan shaqada ay qaranka u hayaan ayna xataa sii laba jibaaraan iska daa inay shaqada ka tagaan ama ay xilka ay umada u hayaan dayacaaan"Ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii shalay lagu dhawaaqay in xilkiisii laga eryey. Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo markii uu warbaahinta la hadlayey ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiiro badan oo ka tirsan Xukuumadiisa waxa uu ku hadlay hadaladii ugu kululaa oo uu warbaahinta ka sheego tan & intii uu Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray mudo Sanad & Bilo lagu joogo,wuxuuna sheegey in uu haysto kalsooni badan oo uu ka haysto xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu ku tagi karo markii uu codkooda waayo ama ay kalsoonida kala laabtaan intabadan Baarlamaanka Soomaaliya. dhinaca kale........ Dalalka taageerada wanaagsan siiya dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qaban qaabinayay saacadihii ugu dambeeyey ee maanta in ay wafuud udiraan caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, si ay ula kulmaan dhinacyada dawladda KMG ah ee udhaxeeyo khilaafka baahsan. |
Most Readed
Xayeesiin
ImageSlideShow






