top
logo

User Login




Home Warka Warkii ugu danbeeyey Xaqooti Soomaali ah oo maalin walba imaanaya Jarmalka
Xaqooti Soomaali ah oo maalin walba imaanaya Jarmalka Print E-mail
User Rating: / 4
PoorBest 
Written by Hurdiwaa   
Tuesday, 24 August 2010 09:34

Qaxooti soomaali aad u badan oo maalin walba imaanaya Jarmalka. Laguna siinayo sharciga muddo ka yar saddex bilood.

  Aayatiin(Jarmalka), Kadib markuu waddanka Jarmalka ku dhawaaqay inuusan dib ugu celin doonin qaxootiga ka soo gala waddamada Giriiga, Maalta, Itaaliya, Isbeeyn, Burtiqaal.

Magaalooyinka Farankafood(Frankfurt), Baarliin(Berlin), Hambuug(Hamburg) waxaa harqiyey bilihii la soo dhaafay qaxooti soomaaliyeed oo ka imaanaya waddamada yurub meel walba.

 

Waxaa la yaab leh  in dadkaas qaxootiga sheeganaya ka yimaadaan waddamada iskaandaneefiyanka iyagoo sheeganaya inay ka yimaadeen Giriiga, Maalta iyo Itaaliya.

Si aan loo soo helin farahooda ayey bilaabeen inay gacmahooda ku gubaan feero si aan looga qaadin faro ayuu u sheegay Aayatiin Maxamed oo ah qaxooti iska dhiibay magaalada Farankfood(Frankfurt).

Iyadoo askarta naga qaadda faraha noo sheegeen in waddamada Holland iyo Iskaandaneefiyanka aan ka ahayn lagu celinayn dadka, ayaa dad badan oo ku leh sharci waddamadaas iskaandaneefiyanka soo buux dhaafsheen xeryooyinka, iyagana weeye kuwa isticmaala inay iska gubaan gacmaha si aan loo soo helin farahooda. Habeen walba waxaa qolalka ka soo ura hilib gubtay taaso ah gacmahooda, lagana seexan karin urukaas. Subixii marka la geeyo meesha lagu qaado faraha waxaa la arkaa gacamahooda oo guban, halkaas waxaa shaki weyn ku abuurmay askartii oo u sheegay dadka iska gubaya gacmaha aan la siinayn wax sharci ah. ayuu yiri Maxamed.

 

Waddanka jarmalka waa wadanka marakan u sahlay in soomaalida sharci siiyo, loona keeno ehelkooda ee ku dhibaataysan soomaaliya, Itoobiya iyo keenya sida waalidkoo, xaaskooda iyo carruurtooda.

 

 

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS